Wasaaradda Haweenka Jubbaland oo Tababar usoo xirtay haween bartay farsamada gacanta

0
292

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland ayaa 150 haween ah oo bartay xirfadaha farsamada gacanta sida cilaan-saarka iyo tolidda dharka tababar ugu soo gabagabeysay magaalada Kismaayo. Tababarkaan ayaa socday muddo saddex bilood ah.

Munaasabadda xiritaanka tababarkan oo si heer sare ah loo agaasimay, waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada Wasaaradaha Haweenka, Waxbarashada, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, xildhibaanno, agaasimayaal guud, guddoomiyeyaasha haweenka iyo marti sharaf kale.

Haweenkii barnaamijka ka faa’iidaystay ayaa si weyn uga mahadceliyay tababarka iyo aqoonta la siiyay, iyagoo ballan qaaday in ay adeegsan doonaan xirfadahooda si ay u xoojiyaan dhaqaalaha qoysaskooda iyo kan bulshada.

Guddoomiyeyaasha Haweenka Gobolka Jubbada Hoose iyo Degmada Kismaayo, Fadumo Aadan Kateela iyo Fadumo Maxamed Cabdi, ayaa haweenka kula dardaarmay in ay aqoontooda bulshada uga faa’iideeyaan, ayna ka qeyb qaataan horumarinta deegaanka.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jubbaland, Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed, oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababarka, ayaa ammaanay dadaalka ay Wasaaradda Haweenku ku bixisay taageerada horumarinta haweenka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland, Cabdinaasir Seeraar Maax, oo sidoo kale ka qeyb galay munaasabadda, ayaa ku bogaadiyay haweenka dadaalka ay ku bixiyeen helitaanka xirfaddan cusub oo wax badan ka tari doonta daboolidda baahiyahooda nololeed.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka Jubbaland, Cadar Cabdullaahi Ismaaciil, oo xafladda si rasmi ah u soo xirtay, ayaa faahfaahisay marxaladihii iyo waxbarashadii ay haweenkan soo mareen.

Barnaamijkan tababarka farsamada gacanta ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland ugu jirto horumarinta haweenka, si ay u noqdaan kuwo isku filan oo kaalintooda ka qaata horumarka deegaanka.