Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Billowday Wacyi-galin Ka Dhan ah Cudurka Duumada

0
180

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay billowday olole ballaaran oo wacyi-galin ah oo ka dhan ah cudurka Duumada (Malaria), xilli roobaadka oo la og yahay in uu kordhiyo faafitaanka cudurkan.

 

Agaasimaha Waaxda Malaariyada ee Wasaaradda, Cabdiqaadar Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Raadiyaha Kismaayo, ayaa sheegay in xilliyada roobka ay si weyn u bataan kaneecada cudurka faafisa, taasoo dhibaato xooggan ku keenta dadka nugul sida caruurta iyo hooyooyinka uurka leh.

 

“Wasaaraddu waxay diyaarisay qorshe ballaaran oo loogu tala galay in lagu wacyi geliyo bulshada iyo in la siiyo agabka lagaga hortago cudurka sida shandarrooyinka kaneecada iyo tallaalka,” ayuu yiri Agaasimaha.

 

Wacyi-galintan ayaa si gaar ah looga fulin doonaa 7 degmo oo ka tirsan Jubbaland, iyadoo diiradda la saarayo dadka danta yar.