Gaajo & macluul soo wajahday dadka kunool gobollada Soomalida Kenya

69

Warar ka imaanaya dalka Kenya gaar ahaan Waqooyiga dalkaas ayaa sheegaya in dad ka badan laba Milyan ay gaajo iyo Macluul soo food saartay.

Dadkaan ayaa waxaa ku habsaday abaaro daran iyagoona aan helin caawimaadii ay u baahnaayeen qaarkood dadkaasi waa ay u geeryoodeen gaajada iyo macluusha waxaa haatan u liita dhalaanka iyo duqooshida ku dhaqan Gobolka Waqooyi we Kenya.

Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa shaacisay in haddii aysan soo bilaaban roobabkii bisha October ay dhici karto in dad badan ay gaajo u dhintaan.