Xildhibaan Shugri Xareed oo Agab Muhiim ah Gaarsiisay Ciidamada Furimaha Hore

0
401

Xildhibaan Shugri Xareed Muxumed, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Jubaland, ayaa maanta gaarsiisay agab isugu jira raashin diyaarsan iyo bustayaal ciidanka geesiyaasha ah ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Xildhibaan Shugri, oo caan ku ah garab istaagga iyo dhiirrigelinta ciidamada, ayaa difaacyada hore u geysay bustayaal iyo kaloodhado (colob) ay ciidanku kaga hortagaan qabowga iyo dhaxanta, si ay ugu nastaan difaacyada ay kaga hortagayaan cadowga.

Saraakiisha ciidamada furimaha hore ayaa uga mahadceliyay Xildhibaan Shugri Xareed taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay, iyagoo xusay in ciidamada ay aad ugu farxeen aragteeda iyo dhiirrigelinta ay keentay.

.