Wafdi Ka Socda Dowladda Jubbaland oo Doolow Ku Kormeeray Mashaariicda Horumarineed

0
404

Wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, Maxamed Wali Cali, ayaa maanta soo gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wafdigan oo ka koobnaa qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha Jubbaland ayaa ka kala socday Wasaaradaha Beeraha iyo Waraabka, Xanaanada Xoolaha, Ganacsiga, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo sidoo kale Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Dowladda Jubbaland. Waxaa wafdiga qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka socda hay’adaha dowliga ah.

Mas’uuliyiintan ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka degmada Doolow, iyadoo soo dhaweynta ay hoggaaminayeen Maamulka Degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ujeeddada safarka wafdigan ayaa ahayd kormeer lagu sameynayo howlaha mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay degmada Doolow, kuwaas oo haatan maraya heer gebogebo ah. Sidoo kale, wafdigu waxay ka shaqeynayaan hirgelinta qorshayaasha gaarka ah ee wasaarad walba ay u dejisay sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada.

Guddoomiyaha degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi Lafey, oo ugu horreyn madasha ka hadlay, ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga, isagoo ku bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada deegaanka.

Dhankiisa, Mursal Maxamed Khaliif, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jubbaland, ayaa uga mahadceliyay maamulka degmada Doolow soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdiga. Wuxuuna faahfaahiyay waxyaabaha uu safarkoodu daaran yahay, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay mashaariicdan u leeyihiin horumarinta deegaanka iyo dib-u-dhiska dhaqaalaha bulshada.