
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada Dowlada Jubbaland Mudane Maxamed Axmed Cali iyo Masuuliyin kale ayaa booqday isbitaalka guud ee Degmada Balad-xaawo Khaliil Hospital ayagoona uu guur galay xaalada bukaanada isbitaalka iyo siday u socdaan howlaha isbitaalka.
Wasiirka ayaa shaqaalaha isbitaalka ku bogaadiyay shaqada wacan ee ay u hayaan bulshada asagoona kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan adeega bilaashka ah ee isbitaalka siinayo bukaanada una sheegay inay arrinkaasi ku kasban doonaan ajar Alle agtiisa ah.
Ugu dambayntii masuuliyiintan ayaa socod kusoo marey wadada dheer ee dhex marta bartamaha degmada Baladxaawo taas oo uu ka socdo mashruuca dhismaha laamiga.




