Madasha Samata-bixinta: Gogosha Wada-tashiga ee Madaxweynaha Weli Waxay Ku Socotaa Wadadii Khilaafka Dhalisay

54

Madasha Samata-bixinta ayaa mar kale soo saartay war-murtiyeed ay kaga hadlayaan mowqifkooda ku aaddan gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madasha Samata-bixinta waxay tilmaameen in kulamada uu Madaxweynaha qabanayo 15-ka Juun iyo 22-ka Juun ay u arkaan kuwo uu taageero ugu raadinayo jidkii uu hore ugu socday ee sababay khilaafka iyo kala-aamin baxa, taasoo dhaawaceysa niyad-wanaaggii ay Madashu ku qaabishay gogosha.
Sidoo kale, tallaabadaasi waxay niyad-jebin ku tahay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, iyagoo rajo weyn ka qabay gogoshaasi.
Madashu waxay weli Madaxweynaha ka dhowreyso gogol wada-xaajood oo loo dhan yahay, si xal waara looga gaaro khilaafka siyaasadeed” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Madasha Samata-bixinta.