
Ciidamada halyeeyada ah ee Dowladda Jubaland ayaa si wadajir ah u sameeynayaan howgalo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaanada Jubaland, iyaga oo dardar geliyay howlgallada amni sugidda xilli lagu jiro diyaar garowga munaasabadda Ciidul-Adxaa.
Ujeeddada howlgallada ayaa ah in shacabka iyo muwaadiniinta reer Jubaland ay u ciidaan si nabad ah, iyada oo la xaqiijinayo in la helo jawi deggan oo ku saleysan nabad, kalsooni iyo wadajir bulsho.








