Puntland oo xukun ku riday Doonyo Kalluumeysi oo Ajaanib leedahay

957

Maxkamad ku taalla Puntland ayaa xukunno kala duwan ku ridday doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen, kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha maamul goboleedka Puntland.

Illaa seddax doomood oo la soo qabtay ayaa laba kamid ah lagu xukumay ganaax lacageed, kadib markii la sheegay in lagu helay kalluumaysi sharci-darro ah, halka mida kale lagu waayey wax dembi ah, iyadoo dib loo sii daayey.

Lada doomood ee la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Al-Dayaa iyo Al-Lascaa, waxaana lagu kala ganaaxay $9 kun oo Dollar iyo $8 kun oo Dollar.

Kalluunka saaran labadaas doomood ee la xukumay ayey la wareegtay Puntland, maadaama si sharci-darro ah lagu soo jillaabtay kallunkaas, sida ay sheegtay maxkamaddu.