Kulan Lagu Cambaareeyay Hagar-daamada Xassan iyo kooxdiisa Kismaayo Ka Dhacay

39

Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa lagu qabtay kulan lagu cambaareeynayay Dhibaatada iyo hagar-daamada uu Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa ay ka wadaan Gobolka Gedo.

 

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Waxgaradka mid kamid ah beelaha daga Deegaanada Jubbaland ayaa waxaa ka soo qayb galay Culimaa-udiin, Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahano, dhalinyaro, Haween iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Waxgaradka Odayaasha dhaqanka iyo Bulshadii kale ee kulanka kasoo qeyb gashay ayaa tilmaamay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa inay wadaan duminta iyo isku horkeenidda Bulshada Nabadda ku wada dagan Gobolka Gedo.

kampungbet

kampungbet