Hoggaamiye Ku xigeenkii Kooxda Daacishta Soomaaliya oo la dilay

1155

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in ku xigeenkii kooxda dawladda islaamiga (Daacish) ee Soomaaliya, Mahad Macallin, lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho.

Xogta ugu weyn ee warkaan ayaa laga helay dad ehel la ah Mahad oo sheegay in lagu dilay Muqdisho muddo iminka todobaad laga joogo.

“Waxaa dilay rag hubaysan oo meydkiisa soo dhigay xeebta Liido, ka dibna telefoon nagu soo wacay oo nagu wargeliyey in aan meydka doonano” ayey yiraahdeen dadkaas ka mid ah ehelada Mahad Macallin.

Waxay intaa ku dareen in meydkiisa oo aan la garan laga qaaday xeebta Liido, ka dibna la geeyey isbitaal magaalada ku yaalla muddo ka dibna la aasay.

Isla arrintaas waxaa xaqiijiyey ilo ka tirsan sirdoonka Dowlad goboleedka Puntland oo sheegay in taariikhda dilka Mahad ay tahay mid waafaqsan xogta ay BBC siiyeen eheladiisa.

“Waxaa dilkiisa ka dambeeyey nin ka mid ah saraakiisha sare ee Daacish oo ciidan ka daba diray markii uu ogaaday in Mahad Macallin uu Muqdisho aaday,Ujeedada ayaa ahayd in Mahad uu ku dilo Muqdisho, ka dibna u kaalintiisa galo” ayey yiraahdeen ilahaas ka tirsan sirdoonka Puntland.

Mahad Macallin iyo ninka lagu eedeynayo dilkiisa ayaa labadaba ka tirsan jufada hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Sababta booska looga dishay Mahad Macallin ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto in awoodda ururka uu gacanta ku dhigo qofka noqonaya ku xigeenka madaxa ururka, maadaama hogaamiyahooda, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu xanuunsanayo, oo Mahad uu ahaa ninka awoodda iyo go’aannada lahaa.

Xigasho BBC.