Dhageeyso Jubaland oo ka hortimid sharciyo dhawaan ay meel-mariyeen baarlamaanka labada aqal

972

Baarlamaanka soomaaliya oo mudooyinkii dambe meel-marinayay sharciyo ay kamid yihiin sharciga doorashooyinka,batroolka,warfaafinta ayaa waxaa sharciyadaasi kasoo horjeestay dowlad goboleedka jubaland iyadoo sheegtay in aan sharciyadaasi meel-marintooda aan loo marin dastuurka kmg ee dowlad goboleedka jubaland.

Golaha wasiirada jubaland oo kullankoodii ugu dambeeyay yeeshay ayaa si adag oga dooday ayaa dood dheer kadib waxa ay isku raaceen in ay jubaland qayb ka ahayn sharciyadasi oo dhawaan baarlamaanka labada aqal ay meel-mariyeen.

Wasiirka wasaarada warfaafinta isgaarsiinta jubaland ing cabdi-xuseen maxamed ayaa warbaahinta la wadaagay aragtida jubaland ay ka qabto sharciyaasi baarlamaanka labada aqal dhawaan meel-mariyeen.

Sharciyaadaan dhawaan ay baarlaamanka labada aqal meel-mariyeen ayaa waxaa horay uga soo horjeestay dowlad goboleedka puntland iyagoona ku sifeeyay in aan loomarin hab waafaqsan dastuurka kmg ee xilligaan soomaaliaya uyaalo.

Hoos Ka Dhageeyso Codka Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Jubalnd Eng Cabdi-Xuseen Maxamed