Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay Shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka

65

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeybgalay Shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union” Waxaana qeyb ka ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Shirka ayaa Maanta daarnaa Dood ku saabsan dulucda Dublamaasiyadda Baarlamaanka: Dhisida buundooyinka nabadda iyo isfahamka

Shirirkaan isdaba jooga ah oo uu Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullaahi Cumar Abshirow kaga qeebgalayo Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.ayaa lafilayaa in uu qudbad dheer ka hor jeediyo ka soo qeyb galayaasha Gabgabada Shirka 148-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union” .

Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Abdullahi Cumar Abshirow oo ka qeyb galaya Shirka 148-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka waxaa qeeb ka ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.