Munaasabad lagu soo bandhigayey adeegyada caafimaad ee uu bixiyo daryeel hospital oo kismaayo lagu qabtay

56

Munaasabad lagu soo bandhigayey adeegyada caafimaad ee uu bixiyo daryeel hospital iyo adeegyo kale oo dheeraad ah ayaa lagu qabtay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Bandhiga ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro, xildhibaano ka tirsan Dowladda Jubbaland, Maamulka degmada kismaayo, Agaasimaha isbitaalada daryeel hospital, Odayaasha dhaqanka, haweenka, dhaqaatiir, ganacsato, iyo qeybaha Kala duwan ee bulshada ku xiran adeegyada caafimaad ee uu bixiyo daryeel hospital Howl-wadeenada Daryeel iyo Marti Sharaf kale.

Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Adeegyo Muhiim u ah Bulshada Ku nool Deegaanada Jubbaland, sida Qiimo dhimis adeegyada guud ee uu bixiyo Daryeel hospital, Kaarka Caafimaadka Daryeel oo gun-dhig u ah Daryeel Kaab oo Bulshada Jubbaland ay ku heli doonaan Adeegyo Caafimaad oo iskugu jira Bilaash iyo qiimi dhimis Boqolkiiba 30, iyadoo ay xusid Mudan tahay in qaadashada kaarka Caafimaadka Daryeel hospital uu yahay mid lacag la’aan ah.