Wasiirka Gargaarka Jubbaland oo xilka ukala wareejiyay agaasimaha cusub ee Wasaaradda iyo kii hore

61

Madasha xil-wareejinta Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Gargarka iyo Mareeynta Masiibooyinka Dowladda Jubbaland ayaa ka qabsoontay xarunta wasaaradda.

Xil-wareejinta waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka wasaaradda, iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socdo guddiga shaqada iyo shaqaalaha Jubbaland iyo masuuliyiin kala duwaan.

Intii ay madasha xil-wareejinta socotay, waxaa hadallo dhiirigelin iyo bogaadin ah jeediyay qaar ka mid ah masuuliyiinta kasoo qeybgalay. Waxay si gaar ah u bogadiyeen shaqadii uu qabtay agaasimihii hore, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay hannaanka shaqo ee uu la imaan doono agaasimaha cusub ee hataan xilka laa wareegay.