Ciidanka Daraawiishta dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo Howlgal Ballaaran ka Fuliyay Jubbada Hoose

56

Ciidanka daraawiishta dowladda Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo socday muddo laba maalmood ah ka fuliyay deegaannada Khalaqa, Wardeey Dheer, Baqooqaha, iyo Cusbada ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Howlgalkan oo ahaa mid ballaaran ayaa diiradda lagu saaray xaqiijinta amniga guud ee deegaannadaasi iyo ka hortagga khataraha ay khawaarijtu ku hayaan shacabka deegaanka.

Ujeeddada guud ee howlgalku waxay ahayd in la adkeeyo xasilloonida deegaannada laga fuliyay si looga hortago dhibaatooyinka iyo dhagaraha ay maleegaan kooxaha argagixisada ah.

 

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkan ayaa sidoo kale kulammo xog-wareysi ah la yeeshay shacabka ku nool deegaannadaasi, iyagoo si qoto dheer uga warqabay duruufaha nololeed ee haysta bulshada, kana dhageystay cabashooyinkooda iyo baahiyahooda dhabta ah.

 

Ciidamadu waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan howlgallada ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa oo ay shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Jubbada Hoose si xor ah ugu noolaadaan.