
Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ee Dowladda Jubbaland, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha reer Jubbaland, munaasabadda 1-da May oo ah Maalinta Shaqaalaha Adduunka, taasoo si weyn loogu xuso kaalinta muhiimka ah ee ay shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka, cadaaladda bulshada, iyo koboca dhaqaalaha.
Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu bogaadiyay dadaalka maskaxda iyo muruqa leh ee shaqaalaha reer Jubbaland ay gelinayaan dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Wuxuu tilmaamay in shaqaaluhu ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada, isla markaana ay door muuqda ka ciyaareen kobaca dhaqaale iyo kan bulsho ee reer Jubbaland.
“Shaqaalaha reer Jubaland waxay muujiyeen karti adkaysi iyo waddaniyad dhab ah. Maanta, waxaan xusuusanaynaa dadaalkooda joogtada ah iyo kaalinta ay ku leeyihiin nabadda, horumarka iyo mustaqbalka ifaya ee dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenku.
Ugu dambeyn, wuxuu ballanqaaday in Dowladda Jubaland ay sii xoojin doonto taageerada iyo xuquuqda shaqaalaha, lana horumarin doono xaaladooda nololeed, tababaradooda xirfadeed, iyo fursadaha shaqo ee la heli karo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







