Guddoomiyaha Degmada Kismaayo oo Shir Guddoomiyey Kulanka Isbuuc-laha ee Isku Xirka Hay’adaha Amniga iyo Bulshada

66

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa  shir guddoomiyey kulanka isbuuc-laha ee isku xirka hay’adaha amniga iyo bulshada, kaas oo ka qabsoomay xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amniga ee magaalada Kismaayo iyo waxyaabihii ay ka qabteen hay’adaha amniga toddobaadkii la soo dhaafay.

Intii uu kulanku socday, waxaa la isla gartay in la qabto kulan ballaaran oo ay ka soo qaybgalayaan mas’uuliyiinta degmada, hay’adaha amniga, culimada magaalada, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Kulankaasi waxaa looga hadli doonaa dhibaatooyinka la xiriira dhaqan-xumada iyo wax walba ka baxasan anshax iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday arrinta bacaha iyo saameynta taban ee ay ku leeyihiin deegaanka.

Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in ganacsatada magaalada la siiyo muddo hal bil ah oo ay ku joojinayaan isticmaalka iyo iibinta bacaha, si loo ilaaliyo deegaanka loona xoojiyo nadaafadda guud ee magaalada.

Kulankan ayaa ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee maamulka degmada Kismaayo uu ugu jiro sugidda amniga, horumarinta deegaanka, iyo kobcinta wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka.