Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo Kusoo Laabtay Magaalada Kismaayo Kadib Safar Dibadda ah

67

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Jubaland, kaddib markii uu muddo safar shaqo ugu maqnaa dibadda.

Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Jubbaland, saraakiil ciidan, iyo dadweyne.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu warbixin rasmi ah ka bixiyo natiijooyinka safarkiisa.