Kulan Lagu Xoojinayo Iskaashiga Bulshada, Hay’adaha Amniga iyo Caddaaladda oo kismaayo ka qabsoomay

71
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland iyo Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa si wadajir ah u soo agaasimay kulanka madasha furan ee billaha ah, kaasoo ay ka qayb galeen bulshada iyo bahda caddaaladda iyo amniga ee Jubbaland.
Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah, waxaana ujeedkiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo is-dhexgalka laamaha caddaaladda, amniga iyo bulshada.
Waxaa sidoo kale laga dooday sidii bulshada fursad loogu siin lahaa inay su’aalo ku weydiiso madaxda laamahaas, si ay u helaan jawaabo ku saabsan arrimaha caddaaladda iyo amniga.
Intii uu kulanku socday, xubnaha bulshada ayaa soo gudbiyay su’aalo qiimo leh oo si toos ah ula xiriiray arrimaha caddaaladda iyo amniga.
Madaxda laamaha caddaaladda iyo amniga ayaa si wanaagsan uga jawaabay su’aalahaas, taasoo keentay in madashu noqoto mid furan oo si hufan loogu kala xog waraystay, isla markaana la is dhaafsaday fikradaha iyo talooyinka muhiimka ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Cabdullahi Cabdiqaadir Aaden (Qaanuni), oo kulanka si rasmi ah u soo xiray, ayaa sheegay in kulankan uu yahay tallaabo weyn oo ku aaddan dhisidda kalsoonida bulshada iyo hay’adaha dowladda.
Wuxuu sidoo kale sheegay in kulammada noocan ah la sii wadi doono, si loo xoojiyo doorka muhiimka ah ee ay bulshada ka ciyaarayaan hannaanka caddaaladda iyo amniga, loona dhiso nidaam cadaalad iyo amni oo dheelitiran.