Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray dalka Algeria

466

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abshir Cunmar Jaamac Huruse iyo wafti uu hoggaaminayey ayaa gaaray dalka Algeria.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shir-waynaha Ururka Jaamacadda Carabta oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan u qabsoomin xaaladda caabuqa COVID-19 darteed.