Bulshada Kismaayo oo bogaadisay howlaha bilic soo Celinta magaalada

991

Dhawaan ayey ahayd markii Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Timajilic oo ka qeyb galay shir looga hadlayay arimaha nadaafadda deegaanka kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska  Jubbaland uu ka sharaxay sida ugu habboon ee looga shaqayn karo arrimaha nadaafadda magaalada, waxa uuna ugu baaqay bulshada in ay ka shaqeeyaan nadaafadda goobahooda ganacsi iyo waliba guryahooda.

Baaqa gudoomiye timajilic ka dib ayaa qaar ka mid ah bulsha reer kismayo oo ka qeeb qaatay barnaamijka madasha barbaarta oo ka mid ah barnaamijyada radio kismayo ayaa waxa ay ka hadleen sida ugu wanaagsan ee nadaafadda ugu wada shaqeyn karaan  bulshada iyo dowlada hoose waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay  in dowlada hoose ay la timaato qorshe cad isla markaana ay diyaariso goobo loogu tala galay in qashinka la geeyo

Maamulka degmada ayaa maalmihii ugu danbeyay waxa ay dardar xooggan ku sameeyeen hagaajinta qeybo ka  mid ah waddooyinka magaalda iyagoo sidoo kale sameeyay biyo ka nadiifin wadooyinka muhiimka ah ee magaalada ee ay fariisteen daadadkii ka dhashay roobabkii ugu danbeeyay eek a da’ay magaalada.

Dadka ku nool magaalda kismayo ayaana howsha ay qabatay dowladda siweyn usoo dhaweeyay