
Wasaaradda Haweenka Arimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka Dowlada jubbaland ayaa Kulan aqoon isweydaarsi iyo Wadatshi ah oo ku saabsan qabyo-qoraalka hindise sharciyeedka xuquuqda caruurta qaar ka mid ah Howl-wadeenada Wasaaradaha, Sida Cadaalada, Awqaafta, Waxbarashada, guddigga Shaqada iyo shaqaalaha Jubbaland, Xeer ilaalinta iyo guddiga ilaalinta Xaquuqda Caruurta.
Muhiimada kulankaan ayaa ah sidii Wadatashiyo iyo turxaan-bixin loogu sameyn lahaa hindise sharciyeedka xuquuqda caruurta oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka Arimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka Dowlada jubbaland ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wasiirada Jubbaland, si ay umeel mariyaan kadib loo sii gudbin, Gollaha Wakiilada Jubbaland si ay oga gutaan Waajibaadkooda.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka Dowlada jubbaland Marwo Cadar ismaaciil Cabdullaahi oo furtay aqoon isweydaarsigaan ayaa ayaa ka qeyb galayaasha kula dardaarantay in ay wax kabadal iyo ku darid ku sameyaan Xeerkaan qabyo qoraalka ah oo Muhiim u ah Caruurta si ay u helaan Xuquuqdooda aas-aasiga ah.