
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, Dr. Ismaaciil Axmed Garas, oo ay wehliyaan Wasiirrada Howlaha Guud iyo Gargaarka, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, iyo Isku-duwaha Caafimaadka degmada, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray xarun caafimaad oo cusub oo laga hirgeliyey deegaanka Qam-Qaam, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Kismaayo.
Xaruntan cusub ayaa la filayaa inay wax ka beddesho baahiyaha caafimaad ee ka jiray deegaanka Qam-Qaam iyo nawaaxigiisa.
Bulshada deegaanka iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa muddo dheer sugayay helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh. Hirgelinta xaruntan waxaa gacan ka geystay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland iyo hay’adda Qatar Charity.
Guddoomiyaha deegaanka Qam-Qaam, Cali Faarax Ismaaciil, oo ka hadlay munaasabadda xarig-jarka, ayaa si weyn u soo dhoweeyay dhismaha xarunta caafimaadka, isagoo xusay in ay bulshada u horseedi doonto horumar caafimaad oo muuqda.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Jubbaland, Cabdiwahaab Axmed Ismaaciil, ayaa ammaanay dadaalka Wasaaradda Caafimaadka ee ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaadka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay iskaashiga hay’adaha dowladda si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee bulshada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, Dr. Ismaaciil Axmed Garas, ayaa ballan qaaday in wasaaraddu sii xoojin doonto dadaallada lagu horumarinayo xarumaha caafimaadka, lana kor u qaadi doono adeegyada bulshada si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee bulshada reer Jubbaland.