Ciidan Beeleed Lagu Biiriyay Daraawiishta Jubaland si ay qayb oga noqdaan dagaalka Khawaarijta 

0
513

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al -qaadi, Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Jubaland ee Gobolka Gedo korneyl Cali Xasan Gudoomiyaha Degmada Balad-xaawo Cabdicasiis Xareed Cabdullaahi ayaa  ku dhawaad 60 askari oo horay u ahaa Ciidan beeleed kala wareegay Xildhibaan hore Yussuf Maxamed Gurxan katirsana Xildhibaanada Dowladda Jubbaland.

 

Ciidamadaan ayaa loodiyaarin doona Ladagaalanka Kooxaha Khawaarijta iyo Sugida Amaanka Waxayna qayb ka noqon doonaan ciidamada Daraawiishta Jubaland ee Ka hawl-gala Gobolka Gedo.

Ciidamadaan iyo qalabkooda oo uu taliyuhu la wareegay ayuu u sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay la xuquuq yihiin ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan meel kasta oo Jubaland kamid ah.