Geesiyada Daraawiishta Dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo baadi goobaya maleeshiyaad khawaarijta ah oo firxada

95

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska DANAB ayaa imika  Wada howlgallo lagu baacsanaayo haraadiga Maleyshiyaadka ka firxaday tuulooyinka Harari Balle, iyo Dhalajo, oo hoostaga degaanka Awoodin ee Gobolka Jubbada hoose deegaanadaasi oo dhawaan ay howlgalo ka fuliyeen Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab.

Kadib Markii Shalay Ciidamada geesiyada ah ee Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska DANAB ay tuulooyinka Harari Balle, iyo Dhalajo, oo hoostaga Degaanka Awoodin ee gobolka Jubbada hoose ku laayeen horjoogayaal sar sare oo katirsan kooxda khawaarijta kuwaas oo shir ku lahaa meel aan ka fogayn Harari Balle.

Horjoogayaasha ay shalay Ciidanku laayeen waxaa ka mid ahaa waaliga Guud ee Gobolka Jubbada hoose ugu magac cawnaa Xasan Muudey, horjooge Macalin Ibraahim, horjoogaha Guud ee deegaannada ee wayanta Cali Dudiye oo ahaa Dhagar qabe Shacabka ree Jubaland Ee Xoola layda ah dhibaato badan u gaystay, horjooge Maxamed Yare, iyo Madaxyo wayn kale.

Horjoogayaashaan Khawaarijta iyo Maleyshiyaadka kale ee lagu laayay Meel an ka fogeyn Tuulada Harari Balle ayaa ka shirayay dhagar loo soo maleegi lahaa shacabka aan waxbo galabsan ee kunool deegaanada Jubbaland

Balse waxa shartooda ka hortagay oo godadka ugu galay Ciidamada geesiyada ah ee Jubbaland iyo Kuwa Kunaamdooska DANAB oo har iyo habeen u taagan dabar goynta Kooxaha Khawaarijta eek u dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah Gobolada Jubooyinka.