Wasiirka Caafimaadka oo tababar u soo xiray shaqaale Caafimaad

830

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay u soo xirtay tababar mudo afar bilood ah la siinayay shaqaale caafimaad oo la baray hanaanka xakameynta cudurada faafa iyo sidii loo daraasadeyn lahaa qatarahooda si loogu hartago ama wax looga qabto inta aysan bulshada asiibin.

Tababarkaan oo ay qabatay Hay’ada Afined ayaa u jeedkiisu ahaa in shaqaalaheeda Caafimaadka iyo dhaqaatiirta Soomaalida ay awood u yeeshaan xakameynta halista ka imaan karta cudurada faafa.

“Soomaaliya waxaa hada qalin jabiyay kooxdii ugu horeysay ee la tababaro waxaan rajeyneynaa in dowlada Soomaaliya ay sii wadi doonto progaraamkaan” ayey tiri Wasiirka Caafimaadka Marwa Fowsiya Abiikar Nuur.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo soo xirtay tababarkaan ayaa u mahad celisay qof kasta oo ka qeyb qaadatay tababarka.