
Ciidamada Daraawiishta Jubaland iyo kuwa Kumaandooska DANAB ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyinka Harari Balle, iyo Dhalajo, oo hoostaga degaanka Awoodin ee Gobolka Jubbada hoose ayaa khasaare weyn gaarsiiyay Maleeshiyaadka Khawaarijta.
Howlgalkaas ayaa lagu beegsaday horjoogsyaal sar sare oo katirsan kooxda khawaarijta ah kuwaas oo shir ku lahaa meel aan ka fogayn Harari Balle.
Ciidamadu waxay heleen xog sirdoon oo sugan taasoo horseeday in si degdeg ah loo weeraro goobta shirka.
Intii uu socday howlgalka waxaa lagu dilay horjoogayaashii ugu badnaa ee abid Hal goob looga dilo kooxda argagixisada ee ku sugan Jubbada hoose.
Horjoogayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa waaliga Guud ee Gobolka Jubbada hoose ugu magac cawnaa Xasan Muudey, horjooge Macalin Ibraahim, horjoogaha Guud ee Deegaannada ee wayanta Cali Dudiye, horjooge iyo Maxamed Yare,
Howlgalkan ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu guusha badan ee ka dhacay Gobolka Jubba hoose, wuxuuna muujinayaa kartida iyo feejignaanta Ciidanada Jubbaland iyo kuwa DANAB.