
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Masuuliyiin iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano, iyo Gudoomiyaha Gobolka Saraakiil Ciidan ayaa Safar Shaqo ku tagay Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Madaxweyne Kuxigeenka oo si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Baladxaawo ayaa u kuurgali doona Xaalada Bini’aadanimo iyo mida amni ee Degmada iyadoo Madaxwayne Kuxigeenka iyo Masuuliyiinta kale inta ay joogaan Baladxaawo ay la kulmi doonaan Waxgaradka, odoyaasha Dhaqanka iyo Bulshada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.