
Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna Duqa magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), ayaa booqasho indha-indheyn ah ku sameeyay biyo-mareennada magaalada, kuwaas oo markii hore ahaa biyo-fariisin, balse haatan si toos ah ugu shubma badda, arrintaas oo wax weyn ka beddeshay isu socodka magaalada xilliyada roobka.
Duqa magaalada ayaa kormeerkiisa diiradda ku saaray sidii ay u shaqeynayaan biyo-mareennada cusub ee lagu sameeyay magaalada, gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida isgoysyada iyo waddooyinka waaweyn.
Waxaa uu Guddoomiyaha si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in Kismaayo noqoto magaalo leh waddooyin nadiif ah oo ka caagan biyo-fadhiisin, kana tarjumaysa bilicda iyo horumarka magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo dibaddaba.
“Ujeedadeennu waa in Kismaayo ay noqoto magaalo leh kaabeyaasha adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan biyo-mareenno si hufan u shaqeeya, si roobabku aysan u saameyn nolol-maalmeedka shacabka,” ayuu yiri Duqa magaalada.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli magaalada ay ka da’ayeen roobab xooggan oo la xiriira xilliga Gu’ga. Si kastaba ha ahaatee, warbixinaha hordhaca ah ayaa muujinaya in waddooyinka magaalada, gaar ahaan isgoyska Aargo, aysan la kulmin biyo-fariisin ama xayiraad ku timaadda isu socodka dadka iyo gaadiidka, taasoo muujinaysa guusha laga gaaray hagaajinta biyo-mareennada.
Maamulka degmada Kismaayo ayaa hore u shaaciyay qorsheyaal ballaaran oo lagu horumarinayo kaabeyaasha magaalada, si kor loogu qaado nolosha bulshada iyo bilicda magaalada.