
Ciidanka halyeeyada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland, gaar ahaan Guutada Gurmad Qaran, ayaa si guul leh u fashiliyey miino ay argagixisadu ku aaseen deegaan ku yaalla waqooyiga gobolka Jubada Hoose.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo badbaadinta shacabka.
Ciidanku waxay muujiyeen feejignaan iyo xirfad sare, iyagoo kahortagay khasaare shacabka soo gaadha lahaa.
Shacabka ayaana bogaadiyey dadaalka ciidamada, iyo sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah.