Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo tababar u qabtay Maamulada iyo Gudomiye waaxeedyada Xaafadaha Magaalada kismaayo.

51
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowlada Jubbaland iyo Dowlada hoose ee Degmada kismaayo oo iskaashanaya ayaa tababar u qabtay Maamulada iyo Gudomiye waaxeedyada Xaafadaha Magaalada kismaayo.
Tababarka ayaa ku Qotoma Bilaabida Diwaangalinta Gobaha Cafimaadka gaarka loo leeyahay Si gaar ah isbitaalada, Farmashiyaasha,polyclinic-yada kala-duwan iyo Dhamaan Gobaha lagu iibiyo Dawooyinka, Iyadoo Diwaangalinta gobahan loo Diyaariyey saraakil cafimaad iyo Maamuladda Dowlada hoose ee Xaafadaha Magaalada Kismaayo kuwaas oo si wada jir ah u wada Shaqayn-doona.
Isku duwaha Caafimaadka degmada Kismaayo Maxamad Sheekh Aadan oo faafaahin ka Bixiyey tababarka ayaa tilmaamay in Diwaangalinta ay bilaaban-doonta 8 April oo ku Beegan maalinta bari ah ee soo Aadan iyadoo barnaamijkan laga wada Fulin-doona Gobaha caafimaadka ee ku Yaalaa Degmada Kismaayo iyo nawaxigeeda.