
Maamulka degmada Kismaayo, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa bilaabay calaamadeynta iyo baneeynta waddada isku xirta Road 8 iyo Road 1 ee xaafadda Farjano, gaar ahaan agagaarka Halgan ee magaalada Kismaayo, oo horay si sharci-darro ah loogu degay.
Bulshada si sharci-darro ah uga dhistay waddadan ayaa lagu wargeliyay inay muddo 14 maalmood ah ku baneeyaan waddadan, taasoo ku eg 22-ka bisha Abriil ee sanadka 2025.




