
Maamulka degmada Kismaayo, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa bilaabay calaamadeynta iyo baneeynta waddada isku xirta Road 8 iyo Road 1 ee xaafadda Farjano, gaar ahaan agagaarka Halgan ee magaalada Kismaayo, oo horay si sharci-darro ah loogu degay.
Bulshada si sharci-darro ah uga dhistay waddadan ayaa lagu wargeliyay inay muddo 14 maalmood ah ku baneeyaan waddadan, taasoo ku eg 22-ka bisha Abriil ee sanadka 2025.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







