
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubbaland ayaa qabatay Xuska Maalinta Keymaha Adduunka taasoo sanadkasta 21 Maarso la xuso, Munaasabada ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimiladda jubbaland.
Munaasabada ayaa ujeedkeedu ahaa in kor loo qaado wacyiga ku saabsan muhiimadda keymaha iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta deegaanka iyo la dagaallanka isbeddelka cimilada.
Sido kale Maalinta Keymaha Adduunka ayaa waxaa looga gol leeyahay in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo keymaha iyo in bulshada la fahamsiiyo in keymuhu ay yihiin xuddunta nolosha.
Keymaha ayaa muhiim u ah xasilinta cimilada, biyaha, iyo in la ilaaliyo kala duwanaanshaha noolaha. Halku dhiga sanadkaan ayaa ah xiriirka kadhexeya keymaha iyo cuntadda
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa si gaar ah diiradda u saartay sidii loo kobcin lahaa dadaallada lagu horumarinayo keymaha dalka, iyadoo lagu dhiirrigelinayo in la beero geedo badan oo ay ka faa’iidaystaan jiilasha soo koraya Iyadoo Munaasabaddan ay muujineyso sida ay wasaaradda uga go’an tahay xoojinta ilaalinta deegaanka iyo dhiirrigelinta dhaqamada waara ee ku saleysan daryeelka keymaha.