
Qaar ka mid ah hobalada fanka Jubaland, oo uu hoggaaminayo Abwaan Diiriye Cabdi Jigre, ayaa loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo.
Fanaaniintan, oo ka soo kicitimay Nairobi ee Kenya, ayaa soo maray Degmada Dhoobley, halkaas oo ay bandhig faneed dhiirrigelin ah ugu sameeyeen Ciidamada Jubaland ee ku sugan aaggaas.
Bandhigyadaas waxay ujeedadoodu ahayd in lagu xoojiyo niyadda iyo dhiirigelinta Ciidanka dowladda jubbaland.
Abwaan Cabdi Baag Xasan, oo ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeyb galay soo dhaweynta, ayaa si weyn ugu mahadceliyay fanaaniinta, isagoo sheegay in ay door muhiim ah ka qaadanayaan dhiirrigelinta ciidamada iyo wacyigelinta bulshada. ii dheere warbixinta.