Barlamaanka Jubbaland oo muddo kordhin u sameeyey xiliga madaxwaynaha Jubbaland uu ku soo dhisaayo golaha wasiirada cusub.

928

Golaha wakiilada Jubbaland oo maanta yeeshay kala-fadhigii 2-aad fadhigiisi 7-ayaa ka dooday ajandayaal dhowr ah oo la hor-keenay  golaha wakiilada Jubbaland.

Ajandaha1-aad ee barlamaanka Jubbaland ee ay  dooda ka yeesheen ayaa ahaa  sidii mar sadexaad madaxwaynaha Jubbaland loogu kordhin-lahaa muda uu ku soo dhisaayo Goliha wasiirda cusub.

Gudoomiyaha hab-dhowrka ee barlamaanka Jubbaland Shugri wayrax Kaariye ayaa Akhriyey warqad ka imaatay xafiiska madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

barlamaanka Jubbaland ayaa meelmariyey in madaxwaynaha Jubbaland la siiyo sadex bilood oo cusub oo lagu soo dhisaayo Golaha wasiirada madaama Jubbaland u baahantahay dib u heshiisin iyo in la fuliyo heshiiskii laga galay golaha isbadal-doonka.