Shacabka Degmada Ceelwaaq oo Tukaday Salaadda Roobdoonka xili bilihii danbe jawigu isku badalay kuleel

0
150
Shacabka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa maanta salaadda roobdoon ah ku tukaday fagaare weyn oo ku yaalla degmadaas.
Salaaddan ayaa waxaa horkacayay culimada deegaanka, kuwaas oo bulshada ugu baaqay in ay Alle u laabtaan, kana baryaan roob, naxariis iyo barwaaqo.
Culimada iyo Bulshada degmada ayaa salaadda kadib Alle weydiistay in uu shacabka ka dulqaado abaarta ba’an ee ka jirta qeyb badan oo dalka ka mid ah.
Abaaruhu waxay saameeyeen noloshii dadka iyo duunyadaba, taas oo keentay in dad badan ay u hayaamaan magaalooyinka si ay u helaan biyo iyo cunto.