Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo loo doortey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Jubaland

86

Xildhibaan Sheikh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowalada Jubbaland kadib doorasho ka dhacday hoolka shirarka Daawada ee magaalada Kismaayo.

Doorashada oo ay ku tartmay laba musharax oo kala ah xildahibaan Sheikh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xildhibaan Ismaciil Cabdi Kerow.

Xildhiban Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa helayay codad dhan 65 cod halka Xildhibaan Ismaciil Cabdi Kerow uu helay 7 Cod.

Gudoomiyaha ku meel gaarka ee golaha Wakiiladda Dowladda Jubaland ayaa Natiijada doorashada ku dhawaaqay.