Madaxweyne ku xigeenka koowaad Jubbaland oo ka qayb galay munaasabad guryaha xalka waara ah ku guddoonsiinaysay danyar barakacayaal ah

91
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlada Jubbaland, H.E Mohamud Sayid Aden ayaa ka qayb galay munaasabad ay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ee Jubbaland Commission for Refugees and IDPs guryaha xalka waara ah ku guddoonsiinaysay danyar barakacayaal ah oo ka kooban 50 qoys.
Kulankan uu Madaxweyne ku xigeenku ka qayb galay ayaa qaab baqti nasiib ah guryaha lagu dudoonsiinayay, iyadoo ay barakacayaasha warqado 100 xabo ka kooban oo ay “HAA” iyo “MAYA” ku kala qoranyihiin nasiibkooda ku tijaabinayay.
Dhismaha Guryahan ayaa waxaa hirgalisay hay’adda Gift of the Givers oo ka shaqaysa arrimaha samafalka.