Ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xooga dalka oo howlgal ka fuliyay Deegaano hoostaga Degmada Doolow

0
366

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ayaa Howlgal Qorsheysan ka fuliyay Deegaano hoostaga Degmada Doolow ee Gobalka Gedo .

Deegaanada Fardo-jirow, Karow -weyne, sariiro, Kamoor buulo, Qurdey iyo siinay oo dhamaantood ku teedsan Degmada Doolow ee Gobalka Gedo ayeey geesiyaashu ka sameeyeen howlgal amni xaqiijin ah.

Hawl-galkan waxaa hogaaminaayay Taliye Maxamed Xasan Buulle (Sanka) waxaa Sidoo kalle qayb ka ahaa Ciidanka koofiya casta Xafiiska Gudoomiyaha Dagmada Doollow.