Dhageyso:Korneel:Cabdikaafi Dayib taliyaha Guutada Birjeex ee Daraawiishta Jubbaland oo ka warbixiyay howgaladii ugu danbeeyay ciidamada iyo xubno ka tirsan khawaarijta oo gacan lagu dhigey

71
Tira kamid ah  khawaarijta oo u adkeysan waayay caqabadaha waqtigan ay wajahaan Argagixisada iyo howlgalada ciidamada geesiyada Jubbaland iyo xooga dalka ayaa xiriir la soo sameeyay saraakiisha kala duwan ee ciidamada si ay u noqdaan kuwo ka tanaasulay fikirka xagjirnimada ah.
Sidookale Ciidamada ay soo qabtey mootooyin ay wateen khawaarijta dhagar qabayaasha ah  waxaa saarnaa labo dhagar qabe oo is lahaa si dhuumaalaysi ah ku jooga deegaanada hoos yimaada deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose, hasayeeshe waxa ay gacanta u galeen geesiyaasha Ciidamada Jubbaland kuwaas oo har iyo habeenba u taagan dabar goynta Argagixisada.

Col. Cabdikaafi Dayib Talyaha Guutada Birjeex ee ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland oo wareeysi si gaara siiyay Radio Kismaayo Codka Dowlad Jubbaland  warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay howlagaladii ugu danbeeyay ay ciidamada sameeyeen iyo xaalada guud  deegaanada ay ciidanku joogaan  isagoo sheegay in ciidamadu gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan khawaarijta sidookalana ay ku raad joogaan dhagar qabayaal kale oo xogtooda ay hayaan kuwaas oo doonaya in ay ka shaqeeyaan dhibaataynta dadka rayidka ah.