Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS oo soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland.

68
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland mudane Maxamed Ibraahim Ogle, Xubno ka tiran Golaha Wasiirada Jubbaland, Xilldhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, Gudoomiyaha degmada Kismaayo iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh oo howlo shaqo u yimid magaalada kismaayo.
Maxamed Ibraahim Ogle Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa soo dhaweeyay Wafdiga Wasiirka Arimaha gudaha ugu horayna la hadlay warbaahinta Dowladda.
Cali Yuusuf Cali Xoosh Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dih u hesiisiinta XFS ayaa ka mahad celiyay soo dhaweenta diiran ee loo sameeyay maanta waxa uuna faah-faahin ka bixiyay ujeedka uu Kismaayo u yimid.