Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubaland ayaa maanta xarigga kajaray Markabka Sahra1 oo ah Markab qaada kunteenarada

96
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo uu weheliyo Maareeyaha Dekedda Kismaayo Axmed Xaaji Aadan Guuleed ayaa maanta xarigga kajaray Markabka Sahra1 oo ah Markab qaada kunteenarada badeecadaha kala duwan lagu soo qaado kaas oo hadda wixii ka dambeeya Dekedda Kismaayo ka shaqo bilaabaya.
Munaasabadda daah-furka bilaabidda howlaha shaqo ee Markabka Sahra1 waxaa kaso qeyb galay qeybaha kala duwan ee Shaqaalaha Dekedda Kismaayo iyo xubno kasocday ganacsatada deegaanada Jubbaland gaar ahaan degmada Kismaayo.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad xariga looga jarayay Kambaniga Somlink iyo Markabka Sahra1 oo ay leeyihiin ayaa sheegay in ganacsiga Jubbaland uu yahay mid xor ah, Dowladana ay soo dhaweynayso horumarinta adeegyada ganacsi ee kasocda Dekedda Kismaayo.