Degmada Doloow ee gobolka Gedo oo ay soo gaareen saraakiil Ciidan

85

Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle dhaxe Aadan Siyaad Cabdi, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo Gashaanle sare Xuseen Cali Xaashi Giif l, Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo Xasan Muxumed Cali iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdulaahi Cali ayaa gaarey degmada Doloow ee gobolka Gedo.

Masuuliyiinta waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyey Taliyaha Booliska Degmada Doolow Maxamuud Cabdi Xaashi, Maareeyaha Garoonka Cabdikafi Gaarane iyo masuuliyiin kale.
Saraakiishan oo howlo shaqo ugu maqnaa Magaalada Buurdhuubo oo soo gaarey Degmada ayaa waxaa safarka ku weheliya Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Buurdhuubo oo sii amba bixi doono Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka Dowlad Goboleedka Jubbaland.