Wafdi balaraan ee uu hogaaminayay xildhiban Abdi nuur cali Adan ayaa maanta gaaray degaanada galbeed ee magaalada kismayo

90
Wafdi ballaraan ee uu hogaaminayay xildhiban Abdi Nuur Cali Aadan oo ka mid ah xildhibaanada baarlaaanka ayaa maanta gaaray degaanada galbeed ee magaalada kismaayo sida hadaafow, kalool yaryar ,shimbirey iyo Degaano kaloo dhowra ah.
Ujeedka xildhibaanka ayaa ahaa ukurgalida xalada deegaanada oo ah kuwii laga soo doortay xildhibanka
Socdaalka Xildhibanka waxa ku wehelinayay agaasimaha guud ee Wasaaradda beeraha iyo waraabka Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday heer faderaal iyo heer dowlad goboleed.
Wafdiga uu hogaaminayay xildhibaanka ayaa waxa kusoo dhoweeyay Qaar ka mid ah dadka deegaanada ay kormeerka ugu tageen iyagoo usoo bandhigey Bahiyaha ay qabaan kana codsadeen in ay Dowlada wax ka qabato baahiyahooda.
Agasimaha wasaaradda beeraha iyo waraabka Jubbaland Maxamed Xusseen Maxamed ayaa sheegay in ay deegaanadan ubaahi qabaan adeegyada waxbarashada, caafimaad, biyaha iyo adeegyo kale oo muhiim uu ah Degaanka.
Xildhiban Abdi Nuur Cali Aadan ayaa xadhiga ka jaray goob waxbarasho oo ugu tala galay in ay wax ku bartaan Caruurta.
Sidookale waxa uu baaq udiray Dowladda Federaalka Somaaliya hayadaha Caalamiga ee gargaarka, Bulshada soomaaliyeed iyo cid kastoo soo caawini karta deegaanadan madaama ay baahiyo badan qaban.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa fariin udiray dadka qurba jogta ah in ay soo garab istaagaan dadka walaalahooda ah ayna kuuso taraan waxay Awoodaan.
+6