Dhageeyso;Maamulada Hiiraan iyo Balcad oo dacwad laga gudbiyay

1188

Xeer ilaalinta maamulka Hir-shabelle ayaa sheegtay in ay warqad cabasho ah ay u gudbiyeen madaxda sare ee maamulka Hirshabelle,  taasi oo ay kaga cabanayaan guddoomiyaha gobolka hiiraan iyo maamulka degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhaxe.

Cabdullaahi Maxamuud Gacal Xeer ilaaliyaha guud maamulka Hirshabelle oo la hadlay Radio-kismaayo ayaa sheegay in madaxda sare ee maamulka hirshabelle ay la wadaageen cabasho ka timid Hay’adaha garsoorka ee gobolka hiiraan iyo shacabka ku nool degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii  gudoomiyaha maxkamada gobolka Hiiraan uu ku eedeeyey guddoomiyaha  gobolka hiiraan Cali Maxamuud Caraale inuu xabsiga magaalada Beleddweyne xoog kaga sii daayey dad  loo heystay dambiyo kala duwan oo cadaalad sugayaal ahaa.

Hoos Ka Dhageeyso; Codka Xeer ilaaliyaha guud maamulka Hirshabelle Cabdullaahi Maxamuud Gacal