Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowaladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay Munaasabad lagu xusayay maalinta ka hortagga shaaqaaleeysiinta caruurta.
Sanad kasta bisha June 12-keeda ayaa la xusaa maalinta caalamiga ah ee ka haortagga shaqaalleysiinta carruurta, Waxayna kulmisaa shaqaallaha dawladda iyo ururadda rayidka si loo muujiyo dhaibaatada shaqaalleeysiinta carruurta iyo waxa laga sameeyn karo si looga hortago.
Munaasabadda lagu xusayay malintan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Agaasimayaal, ururadda haweenka,iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo muujiyay muhiimadda ay xafladani leedahay iyo sida ay muhiimka u tahay ka hortagga shaqaaleysiinta Caruuta.