Hay’adda Tayodhowrka Jubbaland oo kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland ayaa maanta duleedka waqooyi ee Kismaayo ku gubtay 738-kiish oo Bur ah

132
Hay’adda Tayodhowrka Jubbaland oo kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa maanta duleedka waqooyi ee Kismaayo ku gubtay 738-kiish oo Bur ah, kaas oo ku soo xumaaday gudaha markabkii u soo siday Kismaayo.
Goobta lagu gubayay Burka tayadiisu xumaatay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubbaland, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ahna xoghayaha Ruga Ganacsiga Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Tayodhowrka Jubbaland.