Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Jubbalan ayaa maanta gaaray deegaanka Buulo-Xaaji

111
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta gaaray deegaanka Buulo-Xaaji oo labo maalin kahor laga xoreeyay kooxaha Argagixisada ah.
Madaxweyne kuxigeenka labaad mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud waxaa socdaalka ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka, Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada IYO Saraakiil ciidan.
Ujeedka socdaalka wafdiga Madaxweyne kuxigeenka ay maanta ku tageen deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose ayaa daarnaa sidii ay ugu kuur gali lahaayeen xaaladaha kala duwan ee kajira deegaanka maadaama in muddo ah ay Argagixisadu dhibaateenaysay islamarkaana ay dadka deegaanka u horseedeen in ay isaga qaxaan dhulkooda.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland oo goob fagaare ah kula hadlay boqolaal kamida dadka deegaanka ayaa sheegay in Dowladda Jubbaland ay maantaba bilowday sidii gargaar isugu jira dhowr nooc loo gaarsiin lahaa dadka danyarta ah, sidoo kalana loo hirgalin lahaa xarumihii danta guud iyo adeegyadii nolosha aasaasiga u ahaa.