Dhageyso:Halkee ayay marayaan Mashaariicda hirgalinta wadooyinka ee Jubbaland

36

Mashruuca dhismaha wadooyinka kismaayo oo dhammaadka sanadkaan lasoo gaba-gabaynayo xilli sidoo kale miiska ay saaran yihiin mashaariic kale
Dabayaaqadda sanadkaan ayaa sida uu qorshuhu yahay lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo mashruuca dhismaha wadooyinka laga dhisaayo kismaayo kaas oo sidoo kale lagu hirgaliyay  wadooyin badan oo cusub halka kuwa kalana lagu dayactirey  oo halbawlo u ahaa isku socodka dadka gaadiidka, xilli ay dhibaato weyn ay ku qabeen dadka iyo gaadiidkaba.

Eng maxamed nuur xasan waa injineerka dhisay lix magaalo wadooyinkeeda oo kismaayo ay qayb ka tahay ayaa radio kismaayo uga waramay faa’idada mashruucaan iyo lacagta ku baxayso dhammaan mashrruucaan guud ahaan magaalooyinka laga fullinaayo.

Eng maxamed nuur xasan ayaa siddoo kale ammaanay shacabka iyo masuuliyiinta J

ubbaland dawrka wadashaqayn ee ka dhaxayso isagoo siddoo kale soo qaatay tusaalooyin dhawr ah sidda mashruucaan iyo waxyaabaha falcellin ahaa ee kasoo laabatay qiimeynta ay sameeyeen.

Dawladda soomaaliya gaar ahaan wasaaradda hawlaha guud iyo dib-udhiska dalka ayuu sheegay inay sidoo kale waddo mashaariic kale oo dhammaan laga fullinaayo xarumaha dawlad goboleedyada kadib marka lasoo gaba-gabeeyo mashruucaan ay ka faa’ideysteen lix magaalo oo ay qayb ka tahay magaaladda kismaayo.

Dhawaan ayay ahayd markii uu madaxweyne axmed maxamed islaam kismaayo uu ka dhagax dhigay dhismaha wadooyin cusub oo laami ah taas oo qayb ka ah qorshaha hormarinta magaalooyinka, waxaana siddoo kale hadda socda mashaariic kale oo si lamid ah kismaayo oo ay dawladda ka fulinayso magaalooyin ay ka mid yihiin dolow,beledxaawo iyo dhoobley.

default

default
default